(Akhriso) suuqa kala iibsiga iyo xidigaha saacadihii la soo dhaafay lala wareegay

0
249

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ingariiska ayaa caawa oo Khamiis ah soo xirmaya iyadoo la filayo in saxiixyo dhowr ah la dhameystiro ka hor inta aan la gaari 7da fiidnimo waqtiga geeska Afrika waqtigaasoo uu suuqa xirmayo.

#Romelu_Lukaku ayaa heshiis 73 milyan ginni uga tagay kooxda Manchester United waxaana weeraryahanka reer Belgium uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Inter Milan

#Leeds_United ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah kula wareegtay weeraryahanka da’da yar ee kooxda Arsenal Eddie Nketiah

#Ryan_Sessegnon ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Tottenham, xiddigii ay dooneysay Liverpool ayaa lacag aan la shaacinin uga soo wareegay Fulham

#Joao_Cancelo ayaa si rasmi ah xalay ugu biiray kooxda Manchester City oo ku soo iibsatay daaficii kooxda Juventus 65 milyan euro, waxaana uu u saxiixay qandaraas lix sannadood ah.

#Newcastle ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca reer Sweden Emil Krafth iyagoo kala soo wareegay kooxda Amiens.

#Everton ayaa dhameystirtay saxiixa heshiiska amaahda ee ay kula soo wareegtay daafaca midig ee kooxda Monaco Djibril Sidibe.
West Ham United ayaa la soo wareegtay weeraryahanka kooxda Basel Albian Ajeti iyagoo ka saxiixay qandaraas afar sannadood ah.

#Charlie_Austin ayaa ka tagay koxoda Southampton waxaana uu ku biiray West Brom isagoo u saxiixay qandaraas labo sannadood ah.

#Watford ayaa xaqijisay inay 21 jirka reer Senegal Ismaila Sarr inay kala soo wareegtay kooxda Faransiiska ee Stade Rennais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here