Lionel Messi oo ganaax gerka loo geliyay

0
226

Kabtanka Xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa muudo 3 bilood ah laga mamanucay cayaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, ka dib markii Koobka Qaramada Ameerica uu ku tilmaay mid musuqmaasuq daashaday.

Weeraryahankan Barcelona u dheela ayaa kaarka casaanka loo taagay cayaartii dhexmartay iyaga Chile, taas oo 2-1 ay Argentina ku guuleysatay balse Messi ayaa markii dambe yiri ” koobka Brazil ayaa iska leh”
32 jirkan ayaa waxaa sidoo kale xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Amerika ay ku ganaaxeen lacag dhan 50 oo doolar.

Messi ayaa haatan haysta toddobo maalmood oo uu racfaan kaga qaadan karo go’aanka looga mamnuucayo cayaaraha.

Mamnuuciiddan ayaa waxay sababaysaa in Messi uusan ka qeyb galin cayaaraha saaxibtimimada ee ay Argentina la dheeli doonto Chile, Mexico iyo Jarmalka, kulamadaasi oo la cayaari doono bilaha September iyo October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here